Heemaal News Network

Pompeo Oo Arin Laf-jab ku Noqotay kala Kulmay Midawga Yurub.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa baajiyey safar u uku tegi lahaa Yurub, kadib markii wasiirka arrimaha dibedda Luxembourg iyo saraakiisha Midowga Yurub ay diideen inay la kulmaan.

Saraakiisha Yurub ayaa qaadacay Pompeo maalmo kadib markii burcad taageersan madaxweyne Trump ay qabsadeen xarunta Congress-ka, taasi oo ah weerar aan horey u dhicin oo lagu qaaday dimqoraadiyadda Mareykanka, kana yaabiyey hoggaamiyeyaasha caalamka.

Pompeo, oo ah xulufo aad ugu dhow Trump, ayaa doonayey inuu Jean Asselborn kula kulmay dalka Luxemburg oo ah dal yar balse ah hodan muhiiim u ah gaashaanbuurta NATO, kahor inta uusan hogaamiyeyaasha Yurub kula kulmin magaalada Brussels, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Safarka Pompeo ee Luxemburg ayaa la baajiyey kadib markii saraakiisha ay ka cago jiideen inay ballan saacadeed u qabtaan. Safarka Brussels ayaa sidoo kale la baajiyey.

“Hogaamiyeyaasha Yurub waxay ceeb u arkeen la kulanka Pompeo kadib rabshadihii Arbacadii tagtay ka dhacay Washington,” waxaa sidaas yiri diblomaasiyiin Yurub ah oo la hadlay Reuters.

Trump ayaa taageerayaashiisa ku dhiiri-geliyey inay ku xoomaan Aqalka Capitol Hill oo ay ka socotay ansixinta doorashadii Joe Biden ee xilka madaxweynaha Mareykanka, taasi oo Trump uu diiday inuu aqbalo in looga adkaaday.

Pompeo ayaa cambaareeyey rabshadihii Capitol Hill-ka hase yeeshee wax tixraac ah kuma sameyn beenta Trump iyo inuu taageerayaashiisa kiciyey.

Isaga oo ka yaabay rabshada ayaa wasiirka arrimaha dibbeda Luxemburg, Asselborn waxa uu Trump ugu yeeray “dambiile” iyo “qaswade siyaasadeed”.

Related posts

Wafdi Uu Horkacayay James Swan Oo Gaaray Magaalada Baydhabo.(Sawiro)

Heemaall

Gudoomiyaha Cusub Ee Solja Oo Fariin U Diray Warbaahinta Somaliland Ee Cabanaysa.

Heemaall

Sacuudiga Oo soo Dhoweeyey Tallaabo ka Dhan ah Xuutiyiinta Oo Uu Qaaday Mareykanka

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More