Heemaal News Network

Pompeo Oo Noqday Wasiirkii Ugu Horeeyay Ee Booqday Dhulka Falastiin Ee Yahuuda Lagu Degaameeyay.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa Khamiista maanta ah noqday diblamaasigi ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqda dhulka ay Israel heysat ee Daanta Galbeed.

Pompeo ayaa tagay xaafado ay Israel ka sameysay deegaameyn oo ay hadda ku noolyihiin qoysas Israa’iiliyiin ah. Sidoo kale waxa uu booqan doonaa Buuraleyda Golan Heights, oo ah dhul istaraatiiji ah oo ay Israel ka qabsatay Suuriya, sannadki 1967-kii.

Madaxweyne Trump ayaa Golan Heights sannadki hore u aqoonsaday dhul ay Israel leedahay, taasoo ay cambaareeyeen bulshada caalamka.

Heysashada Israel ee Daanta Galbeed, ayay Falastiiniyiinta iyo bulshada caalamka u arkaan xadgudub lagu xadgudbay Qaanuunka Caalamiga ah, sidoo kale waxaa loo arkaa caqabada ugu weyn ee ku hor-gudban nabad ka laga dhex-dhaliyo Israil iyo Falastiin.

Related posts

Trump Oo Dacwad Ka Dhan Ah Tirinta Doorasahada U Gudbiyey Maxkamada Arizona

Heemaal

Ururka Suxufiyiinta Solja Oo Dalbatay In Hantidhawr la Galiyo W/Warfaafinta Somaliland.

Heemaall

Jabuuti Iyo Itoobiya Oo Balan-qaaday Inay Somaliland ka Caawinayaan Dagaalanka Ayaxa

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More