Heemaal News Network
somali

Gandi Oo ku Geeriyooday Dalka Faransiiska.

Alle ha u naxariisteen waxaa dalka Faransiiska ku geeriyooday Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta iyo Aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Prof Gaandi oo dhashay sanadkii 1949 ayaa soo noqday Wasiirkii gaashaandhigga ee dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, ee uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Waxaa uu ka mid ahaa musharixiinta xilka madaxweyne sanadkan 2021ka, isaga oo dhinaca kalana ahaa Aqooyahan wax ka dhiga Jaamad ku taala dalka Faransiiska.

Geeridiisa waxaa ka tacsiyay qaar ka mid ah madaxdii ay soo wada shaqeeyeen iyo waliba siyaasiyiintii ay saaxiibada dhaw ahaayeen.

Related posts

Axmed Madoobe Oo Xilkii Ka Qaaday Saraakiishii Amniga U Qaabilsanayd

Heemaal

Jabhada TPLF Oo Shaacisay Goobaha ay Weerari-doonaan Dhawaan.

Heemaall

Galmudug Oo War kasoo Saartay Dad Shacab ah Oo Maanta Lagu Laayay Mudug.

Heemaall