Heemaal News Network

Prof Samatar “Shirka Baydhabo Laguma Heshiin Ee Shacabka ayaa loo Heshiiyay”

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka hadlay shir jaraa’id oo magaalada Muqdisho uu ku qabtay guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa si gaar ah isku dul-taagay shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada Baydhabo.

Prof Samatar oo ka mid ah Aqooyannada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa ku tilmaamay shirkii Baydhabo sida uu hadalka u dhiggay mid lagu dulmay xuquuqda gobollada Waqooyi, isaga oo fariin u dirray bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.

“Waxaan maqalnay Baydhabo waa lagu heshiiyay, waxaan leenahay Baydhabo laguma heshiin ee waa naloo heshiiyay haddii aynu nahay dadka Gobollada Waqooyi ee midnimada u taaggan ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho” ayuu yiri Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay dhinacyada ka taagnaayeen mas’uuliyiinta gobollada Waqooyi ee ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Prof Samatar ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir in ay hoos u eegaan sida uu hadalka u dhiggay dulmiga lagula kacayo dadka reer Waqooyi ee ku sugan magaalada Muqdisho, islaamarkaana u hiilayaan si la mid ah ayuu yiri sidii aan ugu hiilanay 1960kii.

Wuxuu sheegay in haddii ay arrimuhu sidan ku sii socdaan wadatashi dib isugu laaban doonaan” Haddii ay arrimuhu sidan ku sii socdaan oo aan weyno cid ka hadashaa dulmiga la sameynayo, weynu ka tashan doonnaa Annaga oo waliba Midnimada ku mintideyna tallaabo kale ayeeynu qaadi doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar.

Wali waxaa taaggan doodda ku saabsan guddiyada Gobollada Waqooyi ee heer Federaal oo qeyb ka ah khilaafka ugu weyn ee ku hor gudban doorashada Soomaaliya.

Related posts

Xiisad ka Taagnayd Magalada Beledweyne Oo Heshiis Hordhac ah Laga Gaaray.

Heemaall

Garsoorka Awdal Oo Kulan la Yeeshay Laamaha Wada Shaqayntu Leeyihiin

Heemaall

Hogaanka Tigrey Oo Magacaabay Ergada Uga Qeybgeli Doonta Wada-hadallada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More