Heemaal News Network

Puntlad Iyo Jubbaland Oo Barbaro Dhacay

Waxaa goordhaw soo gabagaboobay kulan ciyaareed xiisa badan oo u dhaxeeyay xulalka kubadda cagta maamullada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo ka tirsana tartanka maamul gobaleedyada dalka.

Kulankan oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ENG Yariisoow, ee magalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qeeyb galay taagerayaal fara badan, kuwaas oo kala sacbinayey labada maamul.

Ciyaartan ayaana waxa ay labada maamul xulalkooda ay isla dhaafi waayeen barbaro , eber iyo eber ah.

Labada xul ayaana waxa ay ka wada tirsan guruubka B, xulka maamulka Puntland oo kulankan uu u ahaa kulankoodi ugu horeeyay ee tartanka ayaa soo bandhigay Ciyaar aad u adag .

Maamulka Jubbaland oo dhankooda isaga hari doona tartanka haddii kulanka soo socda ee xulka Puntland ay soo baadiyaan kulanka ay layeelan doonaan kooxda Koonfur Galbeed, kuwaas oo kulankoodii koowaad kadib markii 0-1, ay kaga soo adkaadeen kooxda Jubbaland oo galabta kulankoodii labaad barbarro galay.

Related posts

ManUn Oo U Hub Qaadatay Soo Xera Galinta Ozil Iyo Ronaldo

Heemaal

Rag Isku Sawiray Maydka Maradoona Oo La Raadinaayo

Heemaal

ManUn Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer Ee Kooxda

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More