Wafti ka socda wasaaradda caafimaadka Puntland oo kulan la qaatay Danjiraha Soomaliya ee dalka Finland
Wafti uu hogaaminayo wasiirka caafimaadka Puntland Dr Jama Farax Xasan uuna ka mid yahay agaasimaha guud Dr Abdirisaaq Xirsi Xasan oo safar shaqo ku jooga dalka Kenta ayaa maanta Nairobi kula kulmay Danjiraha dalka Finland ee soomaliya iyo Madaxa arimaha horumarinta waftiga ayaa warbixin ka siiyay guud ahaan Puntland iyo horumarka la sameeyay 2 dii sano ee la soo dhaafay.
Waxay si gaar uga wada hadleen sida dawladda Finland ay qayb uga qaadan lahayd arimaha hortumarinta baahiyaha caafimaadka gaar ahaan caafimaadka taranta( reproductive health) arinta shaybaarka forensic lab iyo gaar ahaan kobcinta aqoonta xirfadlayaasha taas oo Finland ay horay uga caawin jirta wasaaradda arimaha aqoonyahano lataliyaal oo dalka dib lagu soo cesho ee mashruuca MIDA FINSOM