Heemaal News Network

Puntland iyo Jubbaland Oo Wali kasoo Horjeeda Magacaabista Guddiyada Doorashada.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo leh iskaashi iyo xiriir hoose ayaa lagu soo waramayaa in aysan wali soo magacaabin xubnaha ku matali lahaa guddiyada doorashada iyo xalinta Khilaafaadka .

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan ku qanacsaneyn habka dowlada federaalka u wado doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo iyo sidoo kale nidaamka dowlada u martay magacaabista guddiyada doorashada.

Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo ku sugan Nairobi ayaa kulamo ay yeesheen isku raacay in go’aan mideesan ka qaataan magacaabista guddiyada doorashada ku matalayo iyo waxa ay ka yeelayaan guddiyada la saluugsan yahay ee dowlada soo magacawday.

Labadan maamul goboleed ayaa la sheegay in aysan raali ka aheyn sida Xukuumada Soomaaliya u maareeneyso doorashada, waxa ayna kasoo horjeedaan faragalin la sheegay in doorashada ku heyso Villa Soomaaliya.

Guddiyada doorashada iyo xalinta khilaafaadka ku matalaya inta badan dowlad Goboleedyada iyo dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lasoo magacaabay, waxaana hada u muuqataa in jadwalkii horey loogu heshiiyay aan la raacin uuna jiro dib u dhac.

Related posts

Siyaasi Cumar Daahir Cilmi Oo Saluug Xoogan ka Muujiyay Diwaangalinta Awdal Laga Bilaabayo.

Heemaall

Dawlada Pakistan Oo Ogolaatay In la Qaadaco Badeecadaha Ugu Yimaada Farance.

Heemaall

Puntland Oo Gacanta ku Dhigtay 1 Bilyan Oo Shilin Soomaali Sharci Daro ah.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More