Heemaal News Network

Puntland: Khasaare Ka Dhashay Shan Gaadhi Xamuul Oo Isku Dhacay

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay shil gaadiid oo ka dhacay tuulo lagu magacaabo Shire Dhogor-libaax oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Garowe iyo Qardho ee Puntland.

Shilka ayaa ka dhashay gaadiid xamuul ah oo isku dhacay, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay laba qof, sidoo kale dhaawacyo ayaa la sheegay inay jiraan.

Warbaahinta deegaanada Puntland ayaa ku soo warantay in shan gaari oo xamuul ah ay isku dhaceen, kuwaas oo burbur badan uu soo gaaray, sidoo kale hanti badan ayaa la sheegay inay ku khasaartay shilkaas.

Shilka ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay, waxaana la sheegay in meydadka dadkii ku dhintay ay xalay ku hoos hoydeen gaadiidkii la qogmaday oo ku fariistay.

Saraakiil ka tirsan ilaalada waddooyinka Puntland ayaa saaka warbaahinta u sheegay inay gurmad u direen halka uu shilkaas ka dhacay.

Shilalka gaadiidka, ayaa aad ugu badan laamiga dheer ee xiriiriya magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida Garowe iyo Boosaaso iyo Qardho iyo Garowe.

Related posts

Siyaasi Cumar Daahir Cilmi Oo Saluug Xoogan ka Muujiyay Diwaangalinta Awdal Laga Bilaabayo.

Heemaall

Muwaadin Norwiij Ah Oo Maxkamada Hargaysa Dil Ku Xukuntay

Heemaal

Muddo Kordhin Hor Leh Oo loo sameeyey Ciidamada Japan Ee ka Howl-gala Biyaha Somalia.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More