Heemaal News Network
somali

Puntland Oo Baaq Nabadeed kasoo Saartay Dagaal Beeleed Maalintii 2aad ka Socda Sool

Dagaalo u dhexeeya beelo walaalo oo kasoo wada jeeda gobolka Sool ayaa maalintii labaad ka socda degaano katirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool, oo ay wada sheegtaan Puntland iyo Somaliland.

Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde ayaa sheegay in aad uga xun yihiin dagaalka socda, isagoo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah oo ku dagaalamaya deegaanka Dhabar-Dalool ee Sool.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa isna sheegay Puntland in ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xal u helidda colaada soo noqnoqotay.

Deegaanada lagu dagaalamayo waxaa maamula Somaliland, waxaana halkaas lagu wadaa in ay u dirto ciidamo kala dhex gala maleyshiyaadka dagaalamaya ee labada beelood kasoo kala jeeda.

Gobolka Sool, waxaa aad ugusoo noqnoqda colaadaha salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana lagu guulaysan la’yahay in xal waara laga gaaro colaadahaas.

Related posts

Shaqaalaha Heemaal News Oo Tacsi U Diray Qoyskii Ay Ka Baxday Farduus Cige

Heemaal

Agabka Codbixinta Doorashooyinka Somaliland Oo soo Gaaray Hargaysa.(Sawiro)

Heemaall

Dad ku Dhintay Rabshadaha ka Taagan Koonfur Afrika Oo Kordhay.(Sawirro)

Heemaall