Heemaal News Network
Soomaaliya

Puntland Oo Beenisay In Ciidamo ka Goostay ay ku Biireen Somaliland.

Maamulka Puntland ayaa beeniyay ciiddamo dhawaan lagusoo bandhigay magaalada Laascaano ee Somaliland inay yihiin ciiddamo Puntland ka goostay.

Wasiirka duulista iyo garoomada Puntland, Xuseen Cismaan Gibiley iyo saraakiil ciiddan oo saxaafada kula hadlay magaalada Boocame oo katirsan gobolka Sool ayaa warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Masuuliyiintu waxay sheegeen inay Somaliland degaanka Bocame ka kaxaysatay dhallinyaro aan wax shaqo ah ku lahayn ciiddan, balse loo galiyay darees kadibna Laascaano lagusoo bandhigay.

Puntland iyo Somaliland oo ah labo maamul oo deris ah, colaad joogto ahna ka dhexayso, ayaa arrimaha ciiddan goosashada ay tahay arrin iska caadi ah oo mar waliba soo noqnoqota.

Hase yeeshee, maalmihii ugu dambeeyay oo ay socotay tiro-koobka ciiddamada Puntland, waxaa jiray saraakiil iyo ciiddamadooda ku biiray Somaliland, kadib markii la sheegay inay diideen inay maraan nidaamka dib u habaynta ciiddamada ee socda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More