Fadhiga 25-aad, Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashid Yusuf Jibroil oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ee koobaad iyo labaad ayaa maanta looga hadlay soo jeedinta ogolaanshaha Xubinnimada 8 Xildhibaan oo cusub iyo ka doodista Hindise-Xeereedka Diiwaan-gelinta Cod-bixiyaha.
Kulanka Golaha intiii uu socday ayaa waxaa goobta lagu dhaariyay 8 Xildhibaan oo cusub kuwaas oo bedelay Xubnihii hore ee laga Xayuubiyey Xubinnimadii iyo Xasaannadii ay lahaayeen.
Xildhibaannada Cusub ee Maanta loo dhaariyay kamid noqoshada Golaha Wakiilada puntland oo gaaraya 8 mudane ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamuud Yuusuf ( Afgaduud)
Xildhibaan Maxamed Cabdi Faarax
Xildhibaanad Maryan Cismaan Axmed Fangase
Xildhibaan Faarax Sulub Jaamac
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Saalax ( Abuu baraa)
Xildhibaan Cabdicasiis Xuseen Maxamuud ( Garagoos)
Xildhibaan Cabdiqani Nuur Faarax Muuse
Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Gurey Mirood
8 mudane oo horay Xasaanada iyo xubinimada Baarlamaanka Puntland laga xayuubiyay ayaa kasoo horjeestay, iyaga oo tallaabadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah oo looga hortayay mooshin ay ka gudbiyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland.