Heemaal News Network

Puntland Oo Digniin Hor Leh kasoo Saartay Duufaan kale Oo kusoo Wajahan Xeebaheeda

Puntland ayaa ka digay duufaan cusub oo loogu magac daray “Burevi”, taasoo suurtagal ah in ay kusoo wajahantahay bad-Waynta Hinidiya ayna isku badali karto roobab xoogan oo kusoo beegan xeebaha puntland.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka cimiladu oo warkaan soo saartay ayaa kaluumaysatada iyo dadka ku nool deegaanada xeebaha ku wargalisay inay sameeyaan feejignaan iyo diyaargarow asbuuca soo socda.

Puntland ayaa haatan kasoo kabanaysa khasaaraha ka dhashay duufaantii GATI, oo sameyn ku yeelatay 70,000 qoys oo hantidoodii ku waayay.

Dabayaaqada sanad kaste, gaar ahaan bilaha November iyo December, Puntland ayaa dhibbane u noqotay duufaano ka yimaada badweynta Hindia iyo badda cas.

Related posts

Madaxweyne Biixi Oo Madaxtooyada Hargeysa ku Qaabilay Safiirka Uk Ben Fender.(Sawirro)

Heemaall

Mudaharaad Ka Dhan ah M/Puntin Lagu Taageerayo Mucaaridka Oo ka Socda Ruushka.(Sawirro)

Heemaall

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socda Hayada WHO

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More