Puntland Oo Digniin kasoo Saartay Roobab Daadad wata Oo kusoo Wajahan Deegaanadeeda.

Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa soo saartay digniin la xiriirta roobab dabeylo wata oo la sheegay inay kusoo wajahan yihiin degaano ka tirsan Maamulkaas.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in la saadaalinayo in roobab mahiigaan ah kusoo wajahn yihiin degaannada Puntlnad, gaar ahan gobolada Nugaal,Bari iyo Sool iyo Sanaag.

Wasaaradda Qoraalkeeda waxaa ay ku sheegtay in roobkaas uu sababi karo daadad xoogan, waxaana loogu baaqay dadka ku nool meelaah biyo mareenada ah inay ka tigtoonaadaan.

“Roobab mahiigaan ah ayaa la saadaalinayaa inay kusoo wajahan yihiin degaannada puntland, qeybo kamid ah gobolada Bari, Nugaal iyoSool & Sanaag ayaa la rajeynayaa inay heli doonaan rooob xoogan oo sababi kara daadad ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Wasaaradda degaanka Puntland.

Warkaan digniinta ah ee kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Saacadihii la soo dhaafy uu roob xoogan ka da’ay qeybo kamid ah Gobolada Sool & ceyn.

Related posts

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

Xukuumada Biixi Oo Markii Ugu Horaysay ka Hadashay Dil Iyo Kufsi Burco Loogu Gaystay Hooyo Ugbad.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy