Puntland Oo Dowladda Somaliya ku Eedeysay Sixir-barar ka Taagan Deegaanadeeda.

Dowlad goboleedka puntland ayaa shaaciyay in xilligaan lagu dayacay lacagta Shillinka Soomaaliga, isla markaana ay yihiin maamulka kaliya ee sida weyn deegaannadooda looga isticmaalo lacagtaas.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan ayaa sheegay in degaannada Puntland loo soo raray lacagaha shillinka Soomaaliga,taasina ay u keentay sicir barar baahsan oo dhinaca sarifka Dollarka ah.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan inay ku dayacday lacagta Shillinka Somaaliya, isla markaana ay Canshuurta ku qaado Dollar sidoo kalena Shaqaalaheeda iyo Ciidamada ku siiso Mushaarka.

Hadalka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Qowdhan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xlli maalmihii la soo dhaafay degaannada Puntland laga cabanayay sicir barar dhinaca dollarka ah, sidoo kalena ay puntland Guddi gaar ah u saartay wax ka qabashada xaaladda sicir bararka.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy