Heemaal News Network

Puntland Oo Gacanta ku Dhigtay Qaraxyo Lagu Diyaarinayey Magaalada Boosaaso(Sawirro)

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland PSF ayaa sheegay iney qabteen qaraxyo la damacsanaa in laga geysto magaalada Boosaaso.

Hawlgal ay ciidamada PSF ka sameeyeen Boosaaso ayaa waxay ku guulaysteen in ay kaga hortagaan qaraxyo ay Al Shabaab ku diyaarinaysay goobo ku yaal magaalada Bosaso, iyada oo ay ciidanka PSF heleen warbixino ku aadan falal argagixisanimo oo ay damacsan yihiin Al Shabaab” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay ciidamada PSF.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in qaraxyada ay qabteen qeyb ka mid ah la qorsheynayey in laga saaro magaalada Boosaaso.

“Waxay ciidamadu soo qabteen waxyaabaha laga sameeyo qaraxyada,qaraxyadaas oo qayb ka mid ah la damacsanaa in loo qaado buuraha Cal Madow si loogu waxyeeleeyo shacabka iyo ciidamada Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka PSF.

Puntland ayaa dagaal adag kula jirta xoogaga Al-shabaab iyo Daacish ee fariisimaha ku leh buuralayda gobolka Bari.

Related posts

Beesha Muuse Dheriyo Oo Ka Baxday Xisbiga Waddani, Eedana U Jeedisay Boqor Iiman.

Heemaall

RW Rooble Oo Culimada Iyo Ururrada Bulshada kala Hadlay Muranka Doorashada.(Sawiro)

Heemaall

Puntland Oo Maxkamad la Tiigsanaysa Dadkii Banaanbaxa Dhigayay.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More