Heemaal News Network

Puntland Oo Gacanta ku Dhigtay Qaraxyo loo Maleegayay Magaalada Boosaaso.(Sawiro)

Taliska Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in ay fashiliyeen Qarax la dhigay mid kamid ah xaafadaha Bosaaso iyo Rasaas iyo Waxyabaha Laga Sameeyo Qaraxyada oo lagu diyaarinayay magalada Bosaaso.

Taliyaha Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sheegay tallabadaan lagu fashiliyay qaraxyada in ay qeyb ahaayeen howgalo wadajir ah oo ciidamada kula dagaalamayeen amni xumada.

Taliyuhu wuxuu sheegay in uu socdo howlgal guri guri loogu baarayo, si loo xoojiyo ammaanka Boosaaso, wuxuuna shegay intii howgalkaas lagu jiray in ciiddanku heleen qaraxyo iyo rasaas meelo lagu qariyay.

Wuxuu u mahad celiyay shacabka oo kaalin ka qaatay sidii laamaha amniga loogusoo sheegi lahaa xogaha la xiriira qatarta amniga iyo falalka ay maleegayaan kooxaha Alshabab iyo Daacish.





Related posts

Wasiir Seed Oo Ka Hadlay Roobab Dabaylo Wata Oo kusoo Wajahan Deegaanada Somaliland Fariina Diray..

Heemaall

Xisbiga Wadani Ee Awdal Oo soo Bandhigay Galdaloolooyinka Daahfurka Diwaangalinta.

Heemaall

Midowga Musharaxiinta Oo Digniin U Diray Dowlada Federaalka.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More