Heemaal News Network
somali

Puntland Oo Galmudug Gaarsiisay Gurmad ku Aadan la Dagaalanka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Maamulka Galmudug oo uu matalayo Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug ku wareejiyay bilowga Taakulada Puntland uga qayb qaadanayso la Dagaalkanka Al-Shabaab ee Deeganada Bacaadwayne iyo Wisil.

Munaasibad ka dhacday Gaalkacyo ayaa waxaa goobjoog ahaa Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Mudug, Duqa Degmada Gaalkacyo Puntland, Duqa Degmada Gaalkacyo Galmudug, Lataliyaha Madaxwaynaha Puntland, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Saldhiga Degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Agaasimaha Warfafinta Gobolka Mudug.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa yiri ” Anagoo ka wakiil ah Puntland waxaa Taakulo isugu jirta Shidaal iyo Raashin kuwareejinay Galmudug oo uu wakiil kayahay Maamulka Degmada Gaalkacyo Galmudug, kuwaas oo aan uga qayb qaadanayno la Dagaalanka Al-Shabaab ee Deegaanada Wasil iyo Bacaadwayne, waxay bilow utahay Taakulooyin kuwaan ka sii waawayn oo aan aanu lagarab taaganahay waalalahayo Galmudug

Related posts

Maraykanka Oo Mar Kale Ka Hadlay Xaaladda Muqdisho

Heemaal

Itoobiya Oo Shaacisay Inay Fashilisay Af-gambi ka Dhan ah Xukuumadda Abiy Axmed

Heemaall

Golaha Deegaanka Wajeer Oo Xilka Xayuubin ku Sameeyay Barasaabka.

Heemaall