shir ka dhacay Dubai ayaa heshiis ku kala saxisdeen Masuuliyiin ka socday Shirkada TISL ee laga leeyahay Imaaraadka iyo Wasiirka Duulista, Hawada iyo Garoomada maamulka Puntland Ilyaas oo waheeliyo Cismaan Lugatoor Agaasimaha guud ee Wasaarada Cismaan Dheere oo goob-joogna ka ahaa Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirishiid.
Shirkaan ayaa lagu wareejinayeey Garoonka Bosaaso ayaa si rasmi kula saxiixdeen sidii lagu wareejin lahaa Maamulka iyo shaqada garoonka Diyaaradaha, Taaso oo lagu sameeyn doono horumaarin garoonka iyo Balaarintiisa ayna bilaamin doonto bisha 1-aad ee sanadkaan.
Shirkada TISL ayaa sheegay in isbedel weyn ay ku sameyn doona Garoonka Garowe oo ah midka ugu weyn maamulka Puntland.
Wasaarada Duulista Hawada Puntland ayaa fulisey mashruuc labaad ee lagu horumaarinayo Garoomada Puntland intii ay jirtey Dowladdu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni, taaso noqoneyso siyaasada dowladda ee ah horumaarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Dalka.