Heemaal News Network

Puntland Oo ka Hor-timid Shirka Farmaajo Caawa Iclaamiyay Ee Lagu Qabanayay Garawe.

Madaxweynaha dowlafa federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa iclaamiyay shir arimaha doorashooyinka looga arinsanayo oo Garawe ku dhax maraya DF iyo dowlad gobleedyada.

Madaxtootada Puntland qoraal kooban oo kasoo baxay caawa ayaa lagu soo dhaweeyay shirka uu iclaamiyay Farmaajo, waxa ayna Puntland sheegtay in aan lagala tashan in shirkan ka dhaco Garawe iyagoo ku taliyay in shirkaasi lagu qabto Muqdisho.

” Puntland waxay soo dhaweynaysaa shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkastoo aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto, maadama uu mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, waxayna ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.” ayaa lagu yiri qoraalka goordhaw kasoo baxay Puntland.

Dowlada Soomaaliya ayaana ka jawaabin wali diidmada Puntland ee ku aadan shirka uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo iclaamiyay in 15ka bishan ka dhaco Garawe, lamana oga in DF tixgalin doonto codsiga Puntland ee ku aadan in shirkaasi ka dhaco Muqdisho.

Related posts

Sacuudiga Oo jawaab ka Sugaya Madaxweynaha Cusub Ee Mareykanka.

Heemaall

Sudan Oo Dib Ula Wareegtay Dhammaan Dhulkii ay ka Haysatay Ethiopia.

Heemaall

Xoghayihii Ugu Horeeyey Ee Maamulka Biden Oo Laga Eryey Aqalka Cad

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More