Puntland Oo Maanta Kiisaskii Ugu Badnaa Ee Coronavirus Shaacisay.

Puntland ayaa maanta shaacisay 147 kiis oo Covid19 ah, kadib baaritaan lagu sameeyay 665 qof oo ku kala sugan degaanada Puntland muddadii udhexeysay 24 September ilaa 03 October.

99 kamid ah dadka xanuunka laga helay ayaa ku sugan magaalada Garowe halka inta kalena laga diiwaan galiyay magaalooyinka Boosaaso, Iskushuban, Bargaal, Xaafuun, Bayla, Qandala, Gaalkacyo iyo Eyl.

Dadka xanuunka laga helay ayaa da’doodu udhaxaysaa hal sano jir ilaa 75 jir.

9 qof ayaa soo bogsaday.

Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Puntland ee shaybaaradu xaqiijiyeen ayaa gaartay 668 qof waxaa u dhintay 9 qof, waxaana ka bogsaday 240 qof.

Puntland waxay kamid tahay meelaha cudurku kusoo labo kacleeyay.

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy