Heemaal News Network
somali

Puntland Oo Mar kale Dil ku Xukuntay 8-nin Oo ku Eedeysnaa Shabaab-nimo.

Maxkamadda sare ee ciiddamada qalabka sida ee Puntland ayaa xukun dil ah ku riday siddeed nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin Alshabaab, kuwaas oo horay maxkamadda darajada koowaad ay saddex bil ka hor xukun dil ah ugu riday.

Siddeedaan nin ee lagu xukumay dilka, ayay Puntland sheegtay in ay ahaayeen shabakad dilalka qarshaysan iyo qaraxyada ka fulin jiray koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda sare waxay sheegtay in ay ku qanacday cadeymaha xeer ilaalinta iyo qiraalka laga hayo xukumanayaasha, kuwaas oo ay sheegtay in ay ku cad yihiin dambiyada ay galeen dhammaantood.

Puntland ayaa bishii june ee lasoo dhaafay xukun dil ah ku fulisay 18 nin oo katirsanaa Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2008 dilalka iyo qaraxyada ka fulin jiray Gaalkacyo.

Xukumayaasha ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-

1: Xasan Isaaq Maxamed (Maax)

2: Axmed Cali Hilowle ( Istakiin)

3: Sidiiq Nuur Faarax Muudeey (Gaagaale)

4: Maxamed Sharafle Maxamuud Culusow (Amaxey)

5: Maxamed Cabdullaahi Xuseen Cabdi (Jubba)

6: Cabdulqaadir Cabdulle Xasan (Muruq)

7: Liibaan Ciise Wehliye (Madax kariye)

8: Nuur Xuseen Cabdulqaadir Cismaan (Manuur)

Related posts

Biden Oo Kordhiyey Tirada Qaxootiga Maraykanku Qaato Sanadkii.

Heemaall

Meydka Ninkii Somaliga ahaa Ee Weerarka ka Geystay Tanzania Oo la Aasay.

Heemaall

Somaliland Oo Ka Hadlay Sababta Keentay Sixir Bararka Maceeshada.

Heemaall