Heemaal News Network
Soomaaliya

Puntland Oo Qabatay Rag Alshabaab ka Tirsanaa Oo kasoo Wareegay Somaliland.

Ciidamada Puntland ayaa degmada Badhan ee gobolka Sanaag ku qabtay xubno si weyn loogu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo kasoo wareegay dhanka Somaliland, kuwaasoo ku socday buuraleyda Galgala ee gobolka Bari kooxdan ay fariisimo ku leeyihiin.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta degmada Badhan ragga la qabtay oo ka soo baxay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa gaarigii ay wateen lagu joojiyay kontrolka degmada Badhan iyadoo mid kamid ah oo isku dayay inuu cararo ay ciidanku toogasho ku dileen halka saddex kale oo isdhiibayna la qabtay.

Raggan oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya ayaa sida la sheegay markii hore ka yimid dhanka Koonfurta iyagoo ka soo wareegay dhinaca Somaliland si ay u gaaraan buuralayda Galgala.

Ninka la toogtay ayaa galabta la aasay, iyadoo Saraakiisha Amnigu aysan faahfaahin ka bixin agabka ay wateen raggan oo su’aalo lagu weydiinayo xabsiga magaalada Badhan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More