Heemaal News Network

Puntland Oo Sharuud ku Xirtay Dalab Uga Yimid Musharixiinta Mucaaradka Ee Muqdisho ku Shirsan.

Xubnaha musharixiinta Madaxweynaha ayaa dhawaan qoraal ay soo saareen waxaa ay ugu baaqeen Madaxweynayaasha Puntland & Jubbaland inay ka laabtaan xubnaha guddiyada doorashooyinka Heer Federaal oo ay soo u soo gudbiyeen dowladda Soomaaliya , hayeeshee Puntland ayaa la sheegay inay shuruud ku xirtay ka laabashada Xubnahaas.

Xubnaha Guddiyada doorashooyinka oo ay musharixiinta dooda ka keeneen ay puntland soo gudbisay ayaa gaaraya Afar Xubnood, kuwaas oo ay kamid yihiin Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada & Lataliyaha Madaxweyne Deni.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in puntland ay ku xirtay inay bedeleyso Xubnaha guddiyada doorashooyinka shuruud ah inay dhinacooda bedelaan Dowladda federaalka & Dowlad goboleedyada.

Jubbaland ayaa dhankeeda weli wax jawaab ah ka bixin dalabkii Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo siwyen u qaadacay Xubnaha guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen in laga soo xulay Hay’adda NISA & Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya.

Related posts

Shaqaalle Lagu Helay in ay Lunsadeen Hanti Dadweyne Oo Hargaysa Lagu Xakumay

Heemaall

RW Rooble Oo Gaaray Baydhabo Kulan-na la Qaatay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.(Sawiro)

Heemaall

Kaluumaysato Lagu Laayahay Xeebaha Gobolka Jubbada Hoose Oo Duufaano Ku Dhufteen

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More