Heemaal News Network
somali

Puntland Oo Sheegatay Inay Dishay 20 Xubnood Oo ka Tirsan Daacish Iyo Sarkaal Ajnebi ah.

Ciidanka amniga Puntland ee loo yaqaan PSF ayaa howgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen buuralayda gobolka Bari waxay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsan Kooxda Daacish.

Qoraal lagu daabacay baraha bulshada ee ciiddanka PSF ayaa sidoo kale lagu sheegay in howgalkaas lagu qaarajiyay 20 xubnood oo katirsan Daacish, sidoo kalena lagu burburiyay saldhig Daacish qaraxyada kasoo abaabuli jirtay.

Sarkaalka ajnebiga ah ee la sheegay in weerarkas lagu dilay waxaa lagu magacaabaa, Khaalid Jaamac Maxamed (Abu Usama Al-muhaajir). Wuxuu u dhashay dalka Pakistan, wuxuuna Daacish u qaabilsana sahanka iyo tababarada.

Taliska PSF waxay sheegeen in howlgalkan uu ka dambeeyay xog ay bixiyeen xubno katirsan Daacish oo gacanta lagu dhigay.

Lama sheegin wax khasaare ah oo dhinaca ciidanka kasoo gaaray howlgalkan.

Related posts

Axmed Xaaji Daahir Oo Runta U Kala Sheegay Walaalaha Hargaysaad

Heemaall

Somalida Iyo Canfarta Oo ku kala Kacay Shir Lagu Xalinayay Colaada ka Dhex-taagan

Heemaall

Tirakoobka Dhimashada Qaraxyadii Baladwayne Oo Sii Kordhaysa

Heemaall