Heemaal News Network

Puntland Oo Sheegtay In Caawa Wixii ka Danbeeya Farmaajo U Aqoonsanayso Madaxweynihii Hore.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade oo la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahiyay sababtii keentay in uu fashilmo Shirkii dhawaan kusoo dhamaaday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ahaa maskaxdii ka dambeysay in uu fashilmo shirkaasi ka dib markii uu diiday in uu ka tanaasulo gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ay dadaal badan ku bixiyeen laakiin ugu dambeyntii ay ku fashilmeen markii uu ku dhegay gobolka Gedo.

Waxaa uu tilmaamay in caawa wixii ka dambeeya Puntland ay u aqoonsan tahay Madaxweyne Farmaajo in uu yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya , maadaama uu dhamaaday waqtigii la doortay.

Timacade ayaa yiri “Caawa wixii ka danbeeya Farmaajo waxaan u aqoonsanahay ‘Madaxweynihii hore”.

Related posts

Tababare Diiday Bilad Sharaf Uu Madaxweyne Trump Gudoon-siin Lahaa.!!

Heemaall

Borama:-Xisbiga Kulmiye Oo la Wareegay Musharaxiin Ururis ah.

Heemaall

Diyaarada Air Jabuuti Oo Shil ku Gashay Garoonka Diyaaradaha Garawe.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More