Heemaal News Network

Puntland Oo Sheegtay in la Musuqay Lacag Loogu Talo-galay Beeralay Uu Saameeyay Ayaxa.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaciyay in Ayaxa uu dhibaato farabadan ku haayo degaano ka tirsan Maamulkaas, isla markaana iyaga aysan awoodin waxka qabashada Ayaxa.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Maamulka Puntland Saynab Ismaaciil Maxamed ayaa sheegay in xilligan Ayaxa ku habsaday degaannada Puntland uu aad u farabadan yahay loona baahan yahay in lag hortago.

Waxaa ay sheegtay in dalagyada Beero ku yaal degaannada Puntland uu Ayaxa baabi’iyay, sidoo kalena ay jirto in Hay’ado iyo dad kale ay meelo kalo marsiiyeen lacago loogu talo galay dadka uu saameeyay Ayaxa.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka Beeraha iyo Isbadalka Cimilada Maamulka Puntland Saynab Ismaaciil Maxamed waxaa ay sheegtay in ka Wasaarad ahaan ay wadaan dadaalo ay uga hortagayaan in Ayaxa uu ku faafo degaannada kale ee Puntland.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa degaano ka tirsan koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya uu ku habsaday Ayaxa, isaga oo baabi’iyay dalagyo dhowr ah.

Related posts

Daawo Soomaliyadii Ugu Horaysay Oo Qaadatay Talaalka Cosvid-19

Heemaal

Ciidamada Itoobiya Oo Xoogaga Tigrey ka Qabsaday Magaalada Istaraatiiji ah Ee Adigrat.

Heemaall

Jeneral Xaftar Oo Ku Hanjabay In Uu Beegsanayo Ciidamada Turkiga

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More