Heemaal News Network

Puntland Oo Shuruud ku Xirtay Siideynta Maxaabiis ay Galmudug ka Dalbatay

Maalmihii la soo dhaafay waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ku sugnaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, kuwaas oo halkaasi u tegay in la siidaayo Rag u xiran Burcad badeednimo oo ay Gacanta ku heyso Puntland.

Xildhibaannada ayaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda & Xildhibaannada Puntland, iyaga oo ka dalbaday in raggaas ay siidaayaan oo kusoo wareejiyaan., basle la sheegay in Puntland shuruud ku xirtay siideynta raggaas.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Puntland ay sheegeen in maxaabiistaas oo u xiran falal la xiriira Burcad badeednimo laga soo wareejiyo xabsi ku yaalla jasiirada Seychelles, kadib Heshiis dhexmaray Puntland iyo Jasiirada Seychelles.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku dareen in sidoo kale xildhibaannada Galmudug ay dalbadeen in maxaabistaas loogu wareejiyo dowladda Soomaaliya si ay ugala xaajoodaan, hayeeshee Madaxda Puntland ay sheegeen in ay aqbalayaan codsigaas hadii dowladda Soomaaliya ay ka dalbato in maxaabiista Burcad-badeeda ee Garoowe ku xiran loo wareejiyo Muqdisho.

Maxaabiista kasoo jeeda degaannada Galmudug ee loo heysto Burcad badednimo ayaa waxaa ay gaarayaan 17 Rag ah, waxaana ay muddo dheer ku xiran yihiin Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe, iyada oo Galmudug ay ku dadaaleyso in Maxaabiistaas la siidaayo.

Related posts

Midowga Musharixiinta Oo Mar kale Jimcaha ku Baaqay Dibadbax ka Dhacaya Muqdisho

Heemaall

Dhul-gariir Gilgilay Qaybo Ka Mid Ah Yurub

Heemaall

Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Gaystay Oo Somalida Iyo Canfarta ku Dhex-maray Itoobiya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More