Heemaal News Network

Puntland Oo si Adag Uga jawaabtay Hadalkii kasoo Yeeray Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Maxamed cabdullaahi farmaajo ayaa shalay qeyb kamid ah Khudabdii uu u jeediyay Xildhibaannada golaha Shacabka waxaa uu ku sheegay in heshiiskii doorashooyinka ee horay loo gaaray uu soo qortay Madaxweyne Deni, waxaana warkaasi ka jawaabay Maamulka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad goboleedka Puntland Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde ayaa shegay in hadalka Madaxweyne Farmaajo uu gef ku yahay Dowlad Goboledyada, isaga oo rali-gelin ka siiyay.

“Hadalkaasi waxa uu gaf ku yahay madaxweynayaasha maamul gobolleedyadii ka qayb-galay shirka , annagaana xaal ka siinaynaayuu yiri ” Wasiirka Warfafainta Puntland.

Inta badan Xildhibaannada & Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad uga soo horjesteetay hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo,waxaana kamid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo sheegay in raggaas loo gefay laguna tilmaamay in lagu casumay xaflad nikaax si ay marqaati uga noqdaan.

Related posts

UNICEF Oo Heshiis Naadir ah la Gashay Kooxda Taliban.

Heemaall

Cuqaasha Waxgaradka Buuhoodle Oo si Adag Uga Hadlay Dilkii Ka Dhacay Degaankaasi.

Heemaall

Cumaan Oo Xayiraad kusoo Rogtay Siddeed Dal Oo Afrikan Ah.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More