Heemaal News Network

Puntland Oo War kasoo Saartay Deeq Maanta Lagu Wareejiyay.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa guddoomay deeq gargaar bini’aadantinimo ah oo Dowladda Talyaaniga ugu talagashay dadkii ay saameysay duufaanta GATI.

Deeqdaas oo barqanimadii Maanta diyaarad lagu gaarsiiyay Magaalada Boosaaso ayaa isugu jirtay Daawo, raashiin, Bustayaal iyo agab kale, isla markaana loogu ugu tala-galay in loo gaarsiiyo dadkii deegaanada Puntland ku saameeysay duufaantii GATI.

Mas’uuliyiinta oo la hadlay warbaahinta ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay gargaarka ay soo gaarsiiyeen, iyagoona tilmaamay in Deg-deg ah loo gaarsiin doono dadka u baahan ee ku sugan deegaanada Maamulka.

Wasiirada kala ah Wasiirka Wasaaradda Dekaha iyo gaadiidka Bada, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo gaadiid, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, iyo Gudoomiyaha Boosaaso ayaa goobjoog ka ahaa Deeqda Puntland lagu wareejiyay.

Deeqdaan ayaa waxaa loogu talagalay dadka ay saamaysay Duufaantii GATI ee ku dhufatay ee xeebaha Gobalada, Bari, Gardafu iyo Karkaar Dowladda Talyaaniga ayaa ah Dowladii koowaad ee ka qayb qaadata gargaarka dadka duufaanto saamaysay.

Related posts

Amaro Adag Oo Laga soo Saaray Cilaaj-yadda Lagu Dabiibo Dadka Dhimirka Ee Burco

Heemaall

Midawga Musharaxiinta Oo Ka Soo Horjeestay Go’aanka Doorashada Ee DF Qaadatay

Heemaal

Xildhiban Laga Hor-istagay Tartanka Xilka Gud. Aqalka Sare Oo ku Laabtay Hargeysa

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More