Heemaal News Network
Soomaaliya

Puntland oo Xabsiga Dhigtay Gudomiye kuxigeenkii Somaliland Ee Badhan Oo Diiday inuu ku Biiro.

Ciidamada amaanka maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen masuul katirsanaa maamulka Somaliland oo diiday in uu kasoo goosto Somaliland kuna soo biiro dhinaca Puntland.

Ciidamada maamulka Puntland ayaa saaka xiray guddoomiye kuxigeenkii maamulka Somaliland u qaabilsanaa Badhan, Cabdiraxmaan Axmed Muuse Suldaan Suus .

Ciidamada Puntland oo gacanta ku dhigay masuulkan ayaa ka dalbaday in uu ka tanaasulo xilka uu u hayo maamulka Somaliland isla markaana uu kusoo biiro dhinaca Maamulka Puntland hasa ahaatee uu arintaasi ka biyo diiday.

Maamulka Puntland ayaa mudooyinkii dambe kordhisay saameynta ay ku yeelaneyso gobolka Sanaag gaar ahaan Degmada Badhan oo dhawaan gaareen Wasiiro iyo saraakiil ciidan oo katirsan maamulkaasi.

Somaliland iyo Puntland ayaa isku heesta maamulka Gobolka Sanaag ay labada maamul midbo dhinac ka joogo , waxaana shacabka gobolkaasi ay kala taageersan yihiin labada maamul ee iska soo horjeeda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More