Heemaal News Network
somali

Puntland Oo Xanibaadii ka Qaaday Lacagta Taleefoonada la Iskugu Diro.

Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa fasaxday xanibaada lacagtii danabeysnayd ee telefoonada la isugu diro kaas oo horay Puntland u joojisay.

Sababta loo joojiyay lacagta danabeysan ee ah in $ 1 dollar wixii kayar inaan telefoonada gacanta laga diri karin gudaha magaalooyinka waaweyn in xilligaan degaannada Puntland uu kajiray sicir barar xoogan oo dadka danta yar saameeyay.

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa shaaciyay xayiraadii laga qaaday lacagta falisyadda ama ka dirida lacagaha cadadkoodu ka yar yahay $ 1 dollar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in fasixidaan looga gol leeyahay sidii loo socod siin lahaa lacagta Shillinka Soomaaliga oo bilihii la soo dhaafay isticmaalkeeda laga diiday degaannada Maamulka Puntland.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka waxaa uu hadalkiisa ku daray in ay jiraan ganacsato ku sugan Puntland oo iska-qubay Lacag shilin Soomaali ah oo duugowday, isagoo xusay in xabsiga la dhigay dad uu tilmaamay, in ay warar been-abuur ah ka faafiyeen isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga.

Go’aan kaan kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ayaa daba socda kadib markii maalmihii la soo dhaafay wadooyinka Magaalada garoowe lagu arkay lacag Shillin Soomaali ah oo lagu daadiyay kadib markii la isticmaali waayay.

Related posts

Musharaxiinta Aqalka Sare Ee K/Galbeed Oo la Gudonsiiyey Shahaadada Diiwaan-gelinta(Sawirro)

Heemaall

Shirkada Wadatashiga Oo Laga soo Saaray Jadwalka Doorashada iyo Go’aano kale.(Akhriso)

Heemaall

Musharixiintii ka Kidhnayd Xisbiyada Mucaaradka Somaliland Oo Lasii Dayay.

Heemaall