Heemaal News Network

Puntland Oo Xir-xirtay Ganacsato Badan Oo Diiday Qaadashada Shilinka Somaliga.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta xabsi ku yaalla halkaas ku xiray Ganacsato badan, sida ay xaqiiyeen qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada.

Ganacsatada la xiray oo gaarayey tobaneeyo ayaa waxaa u badnaa rag sarriflayaal ah, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay fulin waayeen amarkii kasoo baxay Maamulka Puntland ee ee jaan-goynta isku-beddelka Shilinka Soomaaliga iyo doollarka.

Dad ku sugan Boosaaso oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Magaalada lagu daadiyay Suuqa, si ay ula socdaan fulinta amarkii Madaxda Puntland iyo qabashada lacagta Shillinka Soomaaliga ah.

Ciidamada ayaa la tilmaamay in markii horey ay arkeen ragga sarriflayaasha oo diiday qabashada lacagta Shillinka Soomaaliga, sidoo kalena qiimihii la joon-gooyay mid la duwan sarifaya lacagta, isla markaana markii dambe la xiray.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhawaan go’aamisay in Hal dollar lagu sarrifo 35,000 oo shilin, isla markaana amar ku bixisay in la adeegsado lacagta Shilinka Soomaaliga ah, kadib markii Ganacsatada qaarkood ay diideen, taasina Banaanbaxyo ay ka dhasheen.

Related posts

Warar Dheeraad Ah Oo Ka Soo Baxay Weerarkii Masaajidka Akram Juma Ee Kanada

Heemaal

Shirka Amniga Doorashooyinka Somaliya Oo ka Furmay Xarunta Xalane.

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo War Adag Ka Soo Saaray Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More