Heemaal News Network
somali

Puntland Oo Xukun Dil ah ku Riday 8 Xubnood Oo Dilal ka Falin-jiray Gaalkacyo.

Maxkamada ciidamada qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday shabakad katirsan Alshabab, oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo lagu helay in ay dilal ka geysteen Gaalkacyo.

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa sheegtay in dhammaan eedeeyanayaasha lagu helay dambiyada logusoo oogay, waxayna magacyadooda kala yihiin.

Feysal Gujis, Sahal Cabulaahi, Iidiris Maxamed Afyare, Salmaan Maxamed Saleeban, iyo Jaamac Muruudi Xuseen.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidoo kale xukun dil ah ku ridey saddex xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab kuwaas oo ka howlgali jirey xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo kana geystey dilal madax qorshaysan.

Magacyadda ragga la xukumay.

Maxamed Cabdi Raage Indhabuur, Cabdirisaaq Axmed Buraale, iyo Maxamed Cumar Muudey.

Related posts

Mareykanka Oo Dib U Dhiska Gaza Balad-qaaday Inuu Gacan ka Gaysanayo.

Heemaall

120 Askar Oo kasoo Jeeda Gobolka Tigrey Ee Itoobiya Oo Magan-galyo Weydiistay Sudan.

Heemaall

Wasiirada Arrimaha Dibeda Ee Somaliya iyo Kenya Oo Qadka Telefanka Kaga wada Hadlay Xiriirka…

Heemaall