Heemaal News Network
somali

Puntland Oo Xukun Dil ah ku Riday Nin ku Eedeysnaa Dilka Taliyihii Saldhiga Qardho

Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku riday Mustafe Cabdirisaaq Cusmaan oo loo haysto inuu dilay taliyihii saldhigga Booliiska degmada Qardho, marxuum dhamme Cumar Hiirad Kaatum.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland oo kiiskaan gacanta ku haysay, ayaa sheegtay in ninkani uu qirtay inuu dilay taliyaha.

Waxay maxkamaddu sidoo kale xukun saddex sano oo xabsi ah ku riday labo eedeysane oo la socday gacan ku dhiiglaha, kuwaas oo lagu kala magacaabo, Cawil Muxyadiin Nuur, iyo Cabdiqani Axmed Cabdi.

Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca isku dhacyo u dhexeeya ciidanka amaanka iyo maleeshiyaad hubeysan oo ka ganacsada maan-dooriyaha.

Sagaalkii bishii August ee sannadkii 2020, waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland, G/sare Cismaan Cumar Maxamed oo loo garan-ogaa Cismaan Itoobiyaan.

Waxaa lagu dilay iska hor imaad dhex maray ciidamada amniga iyo maleyshiyaad ka ganacsada maandooriyaha.

Related posts

Xasan Sheekh Oo Dib Ugu soo Celiyay Darajadii Saadaq John Farmaajo ka Xayuubiyay.

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo Si Adag Uga Hadlay Askari Jidh Dil Ugaystay Haweenay Oroma Ah.

Heemaall

Turkiga Oo War kasoo Saaray Booqashada Maxamed Bin Salmaan

Heemaall