Heemaal News Network
somali

Puntland Oo Xulun Dil ah ku Fulisay Oday Da’ah

Maxkamadda darajada 1aad ee Magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal Puntland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay Xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin Oday ah oo lagu Magacaabo Sahal Xasan Maxamed Gurey kaddib markii ay ku heshey in uu diley wiil dhallinyaro ah.

4-tii Bishaan ayaa Sahal waxaa ay Maxkamadda Magalaada Burtinle ku riday xukul dil toogasho ah kadib markii uu ku cadaaday dilka marxuum bishaar jaamac Faarax oo kamid ahaa Bulshada degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal.

Goobta fagaaraha ah ee Maanta lagu toogtay Sahal Xasan Maxamed Gurey ayaa waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee degmada Burtinle , Garsoorayaal, kaaliye yaasha maxkamadda , Xeer ilaaliyaha guud ee maamulka Puntland , ehelada labada dhinac iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada .

Saacadihii la soo dhaafay ayaa aad Baraha Bulshada looga hadal haayay Kiiska Sahal, waxaana dad badan ay dalbanayeen in la iska cafiyo maadaama uu yahay Oday da’ah hadana muruq maal ah.

Related posts

Prof. Samatar Oo Shaaciyey Mowqif Uu R/W Rooble ka Qaatay Kiiska Ikraan Tahliil.

Heemaall

Toos Hadal-Jeedinta Musharraxiinta Madaxweynaha Somaliya.(Maalinta 2-aad)

Heemaall

Prof. Dalxa Oo Sheegay In la Dulmay loona Diiday Tartanka Kursigiisa Xildhibaanimo Loogu Jiro

Heemaall