Heemaal News Network
Soomaaliya

Puntlland Oo si Adag Ugu Hanjabtay Dadka Mucaaradsan Ee Dhaliila Maamulka Deni.

Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay inaan loo dulqaadan doonin dadka mucaaridsan ee wada qulqulatooyinka lagaga soo horjeedo xukuumada madaxwayne Deni.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Cali Shirre iyo wasiirka warfaafinta Cali Sabarey ayaa maanta sheegay in dadka warbaahinta ka dhaliilay maamulka aan waxba laga weydiindoonin masiirka Puntland, Waxay tilmaameen Puntland in ay leedahay golayaal dowladdeed oo loo igmaday inay isla xisaabtamaan.

Wasiirka maaliyadda Abgaal oo ugu horayn ka hadlay ayaa yiri,”Puntland waxba laga weydiin maayo Odey meel ka hadlay, iyo nin caraysan, cida masuuliyada haysa ayaa wax laga weydiinayaa,”

Sidoo kale Wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland ayaa isna dhinaciisa sheegay in aan la ogolaandoonin in la jaaifeeyo madaxda Puntland oo lagu tilmaamayo inay yihiin dad xaraashaya kheyraadka dhulkooda.

“Waxaan ognahay in ummadda wax qaldan loo sheegayo oo odayaashii lala shirayo, Waxaas oo dhan waxaan ognahay in nabad iyo nolol ka dambeyso.” ayuu tidhi Cali Sabarey.

Hadalka wasiirradan ayaa kusoo beegmay iyadoo magaalada Bosaso shalay iyo maanta lagu xiray odayaal iyo siyaasiyiin ku baaqay in shirkada DP-world laga saaro Puntland iyo inaan shirkado shisheeye lagu wareejin karin ilaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More