Heemaal News Network

Q/Midoobay Oo Dalal ay Kenya ku Jirto kala Hadashay Doorashada Somaliya.

Qaramada Midoobey ayaa xaaladda Soomaaliya ee wah wareersan kala hadashay qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika si loo qabto doorasho lagu wada qanacsan yahay oo ku dhacda waqtigii loogu tala galay.

Qaramada Midoobey ayaa ka dalbatay dalalka Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda in ay ka qeyb qaataan sidii loo hagaajin lahaa Soomaaliya loogana hortagi lahaa doorasho lagu muransan yahay in ay dalka ka dhacdo.

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan waxa uu bogaadiyey fursadda toddobaadkan tagay uu u helay in uu khadka taleefoonka kula hadlo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Yugaandha si uu uga dhageysto aragtidooda ku saabsan xaaladda Soomaaliya iyo gobolka xilligan xasaasiga ah’” Waxaa sidaas yiri James Swan Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Muddo xileedkii dowladda Soomaaliya ayaa dhamaaday, waxaana lagu waddaa in 15-ka bishaan la qabto shir looga hadlaayo arimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Related posts

Daawo: Dowlada Somaliya Oo Jabuuti ku Eedeysay Inay la Safatay Kenya.

Heemaall

Khayre Iyo Guuleed Oo Kulan Saacado Qaatay Ku Yeeshay Magaalada Garowe

Heemaal

“Cafis Dambe Heli Mayso Cida Muqdisho U Shaqo Tagta.”Siyaasi Cali Waran Cade.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More