Heemaal News Network
somali

Q/Midoobay Oo Waqti Kooban Kordhisay la Dagaalanka Burcad Badeeda Somaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay Jimcihii in ciidamada badda caalamiga ah ay sii wadaan adeegsiga dhammaan hababka lagama maarmaanka ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda Soomaaliya laakiin dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in afartii sano ee lasoo dhaafay aysan dhicin falal burcadnimo loona baahan yahay xilligii lasoo afjari lahaa.

Golaha ayaa muddo 12 bilood ah dib u cusboonaysiinayay oggolaanshaha ururrada gobolka iyo dalalka ay kula dagaallamayaan budhcad-badeedda iyo dhaca hubaysan ee xeebaha Geeska Afrika. Balse sanadkan dowladda Soomaaliya oo ogolaansho looga baahan yahay ayaa ka hortimid dib u cusbooneysiin sanad kale ah oo uu dalbaday dowladda Mareykanka oo soo diyaarisay qaraarka, waxaana ay ogolaatay kaliya seddex bilood ka dib wadahadalo lala yeeshay Mareykanka iyo xubnaha kale ee golaha.

“Waxaan rumeysannahay in go’aannada ka soo baxay golaha ammaanka ee ku saabsan burcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya lagu guuleystay laga gaaray hadafkii laga lahaa,” ayuu danjiraha Q.M ee Soomaaliya Abuukar Daahir Cismaan u sheegay golaha kaddib codeynta.

Waxa uu sheegay in 13 sano ka dib markii la ansixiyay go’aankii ugu horeeyay ee golaha ee la dagaalanka burcad badeeda, “afar sano oo xiriir ah ma dhicin wax burcad badeed ah oo lagu afduubtay Soomaaliya, taasi waa marag madoonto ah in dowladda federaalka Soomaaliya ay leedahay lahaanshaha dhibaatada, marka lagu daro shaqadayada adag ee aan la kaashanayno saaxiibadayada caalamiga ah.”

Cismaan waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ogolaatay muddo kordhin saddex bilood ah oo ay ku ogolaatay u gudbida hab-raaca laba geesoodka ah ee ka dhex jira biyaha qaranka Soomaaliya .

Related posts

“M/Biixi Hadii la Dayn Waayo Cabdirisaaq Khaliif Somaliland Waanu Ka Tashanaynaa” Siyasiyiin Dhulbahante

Heemaall

Farmaajo Oo Dhambaal U Diray Madaxweyne Geelaha Dib Loogu Doortay Jabuuti

Heemaall

“Ninka Boqor Buur-madaw Haystaa waa Farmaajo iyo Xulafadiisa” Siyaasi Sayax.

Heemaall