Heemaal News Network

Qaar Ka Mid Ah Madasha Musharaxiinta Oo Ku Wajahan Garawe

Qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka mid ah musharaxiinta maanta tegeysa magaalada Garowe iyadoo lagu wado in dhowaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ay Garoowe kaga qeyb-geli doonaan Shirweyne u dhaxeeya Madaxda Dowladda & Dowlad goboleedyada, kaas oo looga hadlayo xalka gaarista khilaafka ka taagan doorashada.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah u sheegay booqashada ay maanta ku tegayaan Magaalada garoowe, iyada oo halkaasi si weyn looga dareemayo qaban qaabada soo dhawyntooda.

Waxaan ku wajahanahay magaalada Garoowe muddada aan joogo waxaan la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ka qaybgali doonaa dood cilmiyeedyo iyo barnaamijyo kale oo aan aragtidayda siyaasadeed ku soo bandhigaayo. Waxaa iga go’an inti suuragal ah in aan qof walba oo Soomaali ah rugtiisa ku gaaro.

Ayuu yiri Daahir Geelle.

Related posts

Borama:-Ramaax Oo Weeraray Xukuumada Biixi Saluugay-na Waqtiga Diwaangalinta loo Qoondeeyay

Heemaall

Muwaadin Norwiij Ah Oo Maxkamada Hargaysa Dil Ku Xukuntay

Heemaal

Mareykanka Oo Duqeyn ku Dilay Hoggaamiyayaal Sare Oo ka Tirsan Ururka Al-shabaab

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More