Heemaal News Network

Qaar ka Mid ah Ragii Laayay Saraakiishii Ciidanka Xoogga Oo Gacanta Lagu Dhigay.

Warar ka soo baxaya Galmudug ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay qaar ka mid ah dableydii laayay Saraakiishii ka tirsana Ciidanka Xoogga ee maalmo ka hor lagu laayay inta u dhexeysa Magaalada Guriceel iyo Degmada Balamballe ee isla Gobolkaasi Galgaduud.

Waxaa la sheegay in gacanta lagu haayo shan a mid ah Malleyshiyaadkaasi, waxaana wararku intaas ku darayan in mid ka mid ah dableyda lahaayo uu dhaawac yahay.

Ciidanka ammaanka ayaa la sheegay in ay sameeyeen howlgallo ballaran oo ay ku baadi goobayeen Malleyshiyaadka, waxaana u suura gashay in dhulka hawdka ah ee u dhaw Guriceel laga qabtay shanta ruux ee la hayo, kuwaasi oo si dhuumaaleysi ah ku joogay dhulka baadiyaha ah ee u dhaw Magaalada Guriceel.

Maamulka Galmudug aya guddi u saaray dhacdada lagu laayay lix Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga oo malleyshiyadkaasi hubeysan ay waddada u galeen, xilli ay ka bixitimen Magaalada Guriceel, ayna kusii jeedeen degmada Balamballe.

Related posts

Kim Jong-un Oo ku Hanjabay Inuu Ballaarinayo Nukliyeerka Kuuriyada Woqooyi

Heemaall

Baaritaan Lagu Ogaaday Cida 600 Qof Oo ku Xasuuqay Gobolka Tigray.

Heemaall

Shacabka Hargaysa Oo Ka Qayliyay Marashaxnimada Maayirka Hargeysa.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More