Qaar Ka Tirsan Taageerayaasha Mucaaridka Guinea Oo Toogasho Lagu Dilay

Magaalada Kanakiri ee caasimada dalka ku yaal Afrikada Galabeed ee Guinea ayaa waxa lagu soo waramayaa in toogasho lagu dilay labo qof oo ka tirsan taageerayaasha  mucaaridka, waqti ay ka qayb qaadanayeen daawashada ciyaar ka tirsanayd horyaalka Yurub habeenimadii xalay.

Labadan qof ee la dilay ayaa waxa lagus oo waramayaa in ay marayeen wado u dhow xarun ay leeyihiin mucaaridku isku lamarkaana ay u socdeen goob ciyaaraha laga daawado, waxana ay dhimashada u dambaysay ka kadhigaysaa tirade taageerayaasha mucaaridka ee lagu dilay dalkaasi 100 qof sanadkan gudihiisa.

Sidoo kale dilkan u dambeeyay ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti 24kii saac ee u dambeeyay uu raysal wasaaraha dalkaas Kassory Fofana ku amray Wasiirka Amniga iyo Cadaalada ee dalkaas in uu maxkamada geeyo dacwad ka dhan ah dilka 98 kale oo ay boolisku dileen.

Bishii hore ayaa hayada Amnesty International ay cambaaraysay dilalka isa soo taraya ee ka dhacaya ama lala beegsanayo mucaaridka dalkaasi Guinea, iyada oo tidhi “waa arin khatar ah in aad hudaharaad kala hortimaado dawlada dalkaas, waxana sahlan in ay ciidanka nabagalyadu dilaan mudaharadaayasha”

 

© Heemaal News Netwok