Qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir Oo Xikii Looga Qaaday Amni-daro soo Wajahday Muqdisho.

Qaar ka mid ah taliyaasha saldhigyada Booliska gobolka Banaadir ayaa la bedelay iyadoo xilalkooda loo magacaabay taliyaal cusub oo u badan dhalinyaro.

Taliyaasha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah taliyahii saldhigga degmada Kaxda, Waaberi, Warta Nabada, Xamar-jajab, Heliwaa, Shibis iyo Dharkeyley.

Isbedelka lagu sameeyay taliyaasha saldhigyada qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lala xiriirinayaa ammaan darrada ku soo korortay magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowaan lagu wareejiyay ciidamada Booliska iyadoo laga qaaday ciidamada xasilinta oo amniga caasimada sugayay.