Masar ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday aataar qadiimi ah oo ka kooban in ka badan 100 sanab.
Sanabyadan waxaa laga helay saddex qol oo ay ku aasnaayeen, kaas oo 12 mitir oo dhulka hoostiisa ah oo ku yaalay dagaanka Saqqara, oo ku taal meel dhawr mayl koonfur-bari ka xigta Giza ahraamta Qaahira.
100 sanab waxaa lagu qiyaasayaaa in la qoray muddo 700 sano ka hor am 30 sano Ciise hortii.
Soo helitaanku wuxuu imanayaa bil uun ka dib markii khubarada cilmiga dhulka ay ka heleen 59 sannab ama sawir oo kale oo isla isla goobtaas ku aasnaa.
Weli waxyaabo badan ayaa laga ogaan karaa Saqqara, ayuu yidhi wasiirka dalxiiska Masar.
-Baadhitaannadii ayaa weli socda. Mar kasta oo aan u banneeyno qol lagu aasay asnaamta ama sawirada la qoray, waxaan helnaa albaab laga galo mid cusub, ayuu yidhi Khaled al-Anany.
In ka badan 40 taalooyin oo ah asnaabtii hore ayaa sidoo kale laga helay qabuuraha. Qaar ka mid ah walxaha ayaa lagu soo bandhigi doonaa Matxafka weyn ee Qaahira.