Heemaal News Network
somali

Qadar Oo Qaraxii Baladwayne Cambaaraysay

Dowladda Qatar oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeysay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Maqaayad kutaalla Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar loogana hadlayay qaraxa ayaa lagu yiri”

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa ku celineysw mowqifka adag ee Qatar diidmada rabshadaha iyo argagixisanimada. Intaa waxaa dheer, Wasaaraddu waxay muujinaysaa tacsida ay u dirayso qoysaska dhibanayaasha, dawladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas soo kabasho deg deg ah

in ka badan 13 Ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, waxaana dadka ku dhintay ay isugu jiraan mas’uuliyiin iyo Shacab.

Related posts

Jubbaland Oo la Taliyaha Farmaajo ku Eedeysay Inuu Hub Sharci Daro ah Kismaayo soo Galinayay.

Heemaall

Turkiga Oo Ka Digay Heshiis Ay Faransiiska Iyo Giriigu Hub Ku Kala Iibsanayaan

Heemaal

Badhasaabka Gobolka Hiiraan Oo Qaylo-dhaan Jeediyay

Heemaall