Qaramada Midoobay Oo Ciidamada Koonfurta Suudaan ku Eedeysay Danbiyo Dagaal.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ciidammada South Sudan iyo xulafadooda ay weeraro arxaan darro ah ay u gaysteen shacabka dalkaasi.

Qaramada midoobay ayaa intaasi ku dartay in ugu yaraan 232 haween ah la kufsaday oo ay ku jiraan gabdho da’ yar.

Warbixinta ayaa bilihii April iyo May laga soo uruuriyay deegannada ay mucaaradka ku xoogan yihiin siiba gobolka Unity.

Laanta xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhibanayaasha ay ka sheekeeyeen sida ciidammada dowladda Koonfurta Suudaan ay weerar ugu qaadeen guryahooda islamarkaasna ay billaabeen inay toogtaan shacabka kala cararayay.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul insaanka Zeid Racad Al-Xuseyn ayaa ugu baaqay dowladda Koonfurta Suudaan inay caddaaladda hor keento kuwa ka dambeeyay dhibaatadan.

© Heemaal News Netwok