Heemaal News Network
somali

Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Xaalada Tunisiya Oo Qarka U Saaran Burbur

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasiyiinta ee dalka Tuunis inay ka fogaadaan rabashad iyo in dalka uu galo fowdo.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaraamda Midoobe Farxaaan Xaq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ugu baaqeyso dhinacada isku khilaafsan siyaasadda dalkaTuunis inay xaaladda dejiyaan kuna dhamaeeyaan khilaafka jira si xigmadeysan .

Afhayeenka ayaa ka gaabsaday inuu afgenbi ku tilmaamo wixii xalay ka dhacay dalka Tuunis.

Dhinaca kale, Midowga Yurub ayaa ugu baaqay madaxda Tuunis in la ixtiraamo dastuurka iyo sharciyada u yaal dalka.

Nabiila Misraali oo u ah Midowga Yurub afhayeen ayaa sheegtay in ururka Midowga Yurub si hoose ula socda dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee dalka Tuunis.

Madaxweynaha Tuunis ayaa xalay xilka ka qaaday ra’iisal wasaarihii dalkaas. Isagoo sidoo kalena joojiyay dhamaan howlihii baarlamaanka dalkaas

Madaxweyne Qeys Saciid ayaa maanta sidoo kale xilka ka qaaday wasiirada caddaladda iyo difaaca ee dalkaas.

Related posts

Haweenka Xisbiga Wadani Oo ku Baaqay In Milatariga Lagu Celiyo Taliyaha Booliiska Somaliland.

Heemaall

RW Rooble Oo Ku Celiyay Inay Ka Go’an Tahay Doorasho Dalku Aado

Heemaall

Shiikh Shariif Oo ka Hadlay Shirka ka Furmaya Muqdisho kuna Taliyay In RW Rooble la Taageero.

Heemaall