Heemaal News Network

Qaramada Midoobay Oo War kasoo Saartay Doorashooyinka Somaliland

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa faah faahin ka bixiyay kulamo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Somaliland oo uu la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi, Urrurada Bulshada rayidka & Gudiga doorashooyinka.

Amb, James Swan waxaa uu sheegay in dhamaan mas’uuliyiinta Somaliland uu kala hadlay shaqada Qaramada Midoobay ee Somaliland, sidii ay gacan uga geysan lahayeen wax ka qabashada arrimaha la taaban karo ee khuseeya dadka reer Somaliland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddiga doorashooyinka Somaliland uu kala hadlay sidii waqtiga loo iclaamiyay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada & degaanka Somaliland ugu dhici lahaayeen, isla markaana ay rajo wanaagsan ka qabaan.

“Dhammaan Wadaagayaasha Somaliland, waxay rejaynayaan doorashooyinkaasi. Inay si wanaagsan u dhacaan, anagana rejaynaynaa in shaqada Guddiga doorashada fududaynayaan ay noqoto doorasho guulaysta dhammaadka bisha May ayuu yiri ” Danjire James Swan.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa dhawaan degaannada Soomaliland u tegay xalka gaarista khilaaf Shaqo oo Smaliland & Qaramada Midoobay soo kala dhex-galay, kaas oo ugu dambeyn la xaliyay.

Related posts

Faysal Cali Waraabe Oo ka Hadlay Cabashada Ciidamada Ee Laga Mamnuucday Warbaahinta.

Heemaall

“Doorasho Aynaan Raali ka Noqon Laguma Qaban Karo Muqdisho”Xisbiga Wadajir.

Heemaall

Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Mareykanka” Trump Cadayn Ma Hayo”

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More