Ugu Danbayn CXDS Oo Kala Diray Maleeshiyo Beeledkii Gobolka Hiiraan Ku Dagaalamaayey

Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa waxaa u suuragashay inay kala qaadaan laba maleeshiyo beeleed oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamaayay deegaanka Banyaaley oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Wararka waxa ay sheegayaan guutada 52-aad ee ciidanka Xoogga dalka Somaliya inay ku baxeen maleeshiyaadkaasi oo halkaasi lagu kala qaaday.

Taliyaha guutada 52-aad ee ciidanka Militariga General Axmed Maxamed Tareedisho, ayaa sheegay dadaal dheer kadib ciidamada inay u suuragashay kala qaadista maleeshiyaadkaasi.

Wuxuu sheegay xaaladda hadda inay tahay mid wanaagsan oo dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay la kala raray, deegankana ay joogaan Odayaasha labada dhinac si ay uga wada hadlaan wixii horay u dhacay.

Ciidanka xoogga dalka wuxuu ku guuleystay inuu kala qaado maleeshiyaadkii ku dagaallamay Banyaaley, waxaa goobta ku sugan waxgaradkii labada dhinac oo ka wada hadli doona wixii dhacay, xaaladuna waa mid deggan.

Ayuu yiri taliyaha.

Labadan maleeshiyo beeleed ee iminka lagu guulaystay kala qaadistooda, ayaa dagaal dhexmaray maalmihii la soo dhaafay waxa ay isaga dileen dad badan.