Heemaal News Network

Qaramada Midoobey Oo Dalbatay Dib U Heshiisiin Laga Sameeyo Hirshabeelle.

Kulamo gaar-gaar ah oo khadka Internet-ka ah ayaa maanta dhexmaray Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaliya Mudane Mukhtaar Xuseen Afrax, iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe.

Kulamaddaan ayaa looga hadlayay khilaafyada ka taagan maamulka Hirshabeelle iyo sidii wax looga qaban lahaa, maadaama gobolka Hiiraan ay ka jiraan xaalado ka dhan ah Madaxweyne Guudlaawe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay dadaallada ku aadan sidii loo horumarin lahaa xaaladda Ammaanka iyo dib u heshiisiinta maamulka Hirshabeelle iyo sidoo kale kulamadii uu la yeeshay waxgaradka Hiiraan.

Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda uu leeyahay wadahadal dhammaan daneeyayaashu ay qeyb ka noqdaan si loo helo dib u heshiisiin ka dhacda Hirshabeelle, isagoo intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto dadaallada nabadda.

Related posts

Golaha Wasiirada Somaliland Oo War kasoo Saartay Doorashada Iyo Abaaraha.(Akhriso)

Heemaall

Washignton: Taageerayaasha Trump Iyo Bidan Oo Gacmaha Iskula Tagay

Heemaall

Mareykanka Oo Duqeyn ku Dilay Hoggaamiyayaal Sare Oo ka Tirsan Ururka Al-shabaab

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More