Heemaal News Network

Qaramada Midoobey Oo Gali kari Wayday Gobolka Tigrey Walaac-na ka Muujisay.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dagaalka ka socda meelo badan oo ka tirsan gobolka Tigray uu saameyn ku yeeshay howlaha gargaarka.

Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey waxay sheegayaan in la geli la’yahay gobolka Tigray si gargaar loo gaarsiiyo shacabka inkasta oo dowladda Itoobiya dhawaan ay kala saxiixdeen heshiis gargaar lagu gaarsiinayo shacabka ku nool deegaanada ay la wareegtay dowladda.

Dadka ku nool caasimadda Mekelle ayaa sheegtay in dagaallada ay weli ka socdaan deegaanada dhaca duleedka caasimadda inkastoo ay dowladda sheegtay in lasoo afjaray colaadda.

Waxay sheegeen in magaalada ay koronto la’aan tahay oo aysan heysan biyo.

Shacabka ayaa sidoo kale sheegay in falalka dhaca ah ay kusoo badanayaan magaalada, iyagoo ciidamada dawlada Itoobiya ku eedeeyay inay dileen dad rayid ah, balse ay dowladda beenisay arrintaas.

Related posts

Abiy Ahemed Oo Xaqiijiyey In Uu Dayaarado Ku Weerayay Gobolka Tigreega

Heemaal

Dhul Gariir Mar Kale Ku Dhuftay Croatia

Heemaal

Muuse Biixi Oo Kaabbo-Qabiillo ku Tilmaamay Mulkiilayaasha Xisbiyada Wadani Iyo Ucid

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More